Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga FP oo lagu kala jabey

La daabacay torsdag 29 januari 2015 kl 11.43
Jan Björklund. Foto: Janerik Henriksson/TT.
Sawirle: Janerik Henriksson/TT.

Hoggaamiyaha xisbiga Shacabka ee afkan iswiidhishka lagu yiraahdo Folkpartiet (FP), Jan Björklund ayaa ka gaabsaday inuu dood kala yeesho xubin xisbiga ka tir-san fikirkii xisbiga ee la xiriiray habka loo hagaajin karo siyaasadda is-dhex-galka, isagoona uu Jan Björklund diiday inuu ka qayb qaato dood fool ka fool ah oo middaa la xiriirta ee idaacadda Svt, laanteeda Aktuellt xalayto fiidnimadii. Hase yeeshee ey Jan Björklund iyo Frida Johansson Metso iyaga oo laba goobood ku kala sugan mid walba uu dhankiisa uga faalloodey fikirka uu soo ban-dhigay hoggaamiyaha xisbiga FP.

Fikirka xisbiga FP ayaa salka ku haya tijaabo luuqadeed oo laga qaado dadyoowga la siineyo dhalashada dalka, in la bixiyo deggenaansho ku meel gaar ah, halka iminka soo-galootiga badankii laga siiyo mid joogto ah iyo weliba in shakhsigu uu masruufi u heli karo reerkiisa kolka la mideeyneyo. Iyadoona lagu macneeyey in fikirrada xisbiga FP ey ka dambeeyaan sidii lloo hagaajin lahaa nidaamka is-dhex-galka.

Hase yeeshee ay Frida Johansson Metso oo ka mid ah xubnaha xisbiga ee fikirradaa ka soo horjeeda in aaney wax faa'iido ah ka tareyn hagaajinta habka is-dhex-galka. Sheegtayna inay aad uga carootay, isla-markaana aaney aheyn siyaasadda dhabta ah ee xisbiga.

Isha: SVT

                                                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".