Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Viktigt meddelande till allmänheten i Ånge, Västernorrlands län
Det brinner i Akzo Nobel med kraftig rökutveckling som följd. Räddningsledaren uppmanar alla i området att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Västernorrland.
(Publicerat idag kl 14.13)
P4 Västernorrland

Codbaxiyaasha oo xiiseynaya arrimaha isdhexgalka iyo soogalootiga

La daabacay torsdag 29 januari 2015 kl 13.18
Xiisaha codbixiyaasha ee siyaasadda isdhexgalka
(4:00 min)
Britt-Marie Norelius leder lektion i svenska
Britt-Marie Norelius undervisar asylsökande med sex olika modersmål. Foto: Mattias Lundvall/Sveriges Radio

Waxa sii kordhaya xiisaha ay u hayaa codbixiyaasha Sweden siyaasadda is-dhexgalka. Imminka aya codbixiyaasha isdhexgalka yahay su’aalsha labaad ee arrimaha bulshada marka laga yimaado arrimaha iskuulka iyo waxbrashada, sida uu muujinayo afkaar aruurin uu sameeyeen DN/Ipsos.

David Ahlin waa madaxa rugta afkaar cabirka Iposos. Waxuuna yeri waxaa u sabab ah in shantii mid codbixiyaasha u arkaan isdhexgalka su’aal muhim, qaxootiga sannadyadaan soo batay iyo weliba siyaasiinta oo ayaamahan ahmiyadda siiyay  una adageegsaday siyaasdood.

- Waxaa u malaynayaa in ay sabab u tahay, kow; sannadyadaan Sweden oo qaabishay qaxooti faro badan, sannadkii 2014kii waxuu ahaa sannad ay Sweden soo gaareen qaxooti faro badan oo ka soo cararay waddamo dagaalo ka taagan yahiin.  Laakiin sidoo kalena siyaasiinta oo sannadka oo dhan billaabay in ay ahmiyadda saaran arrintan oo ay siyaasadood u adeegsadaan ka hadalka isdhexgalka".

Boqolkii 20

Shantii mid oo noqoneysa boqolkii 20 codbixiyaasha Sweden ayaa afkaar aruurinta DN/Iposo ku sheegay soogalootiga iyo isdhexgalka yahiin su’aalo siyaasadeed oo muhiimad u leh. Waana kobaca dhan boqolkii todobo marka loo barbardhigo cabirkii ugu danbeeyey oo arrintan lagu sameeyey bishii August. Waana Markii ugu horeysey oo ay su’aalahan la xiriira soogalotiga iyo isdhexglka ka galeen kaalinta labaad arrimaha ay codbixiyaasha u  arkaan in ay muhimad leedahay wax ka qabadkeeda.

Waxaa loo aaneynayaa in arrintan muhim weyn u lahaato codbixiyaasha horumarka siyaasadeed ee xisbiga Sverigedemokraterna arrimahan ku gaaray, taas oo u soo jiidey xisbiyada kale ee dalka in ay ayagana quud dareeyaan ka hadalka siyaasadda isdhexgalka. Midda kale ee loo anneyn karo ayaa ah qaxootiga faraha badan ee ka soo qulqulaya waddamada dagaalada ka holcayaan sida Suuriya iyo Ciraaq.

Arrimaha isdhexgalka ma ahan keliya codbixiyaasha kuwo u arka in ay muhiim yahiin, sidoo kale waxaa xoogeystay xiisaha ay arrimahan u hayaan xisbiyada dhanka midig u janjeera.

Xisbiyada kalo ah Kristdemokraterna iyo Folkpartiet ayaa maalmahan ku dhawaaqayey sharuudo adag in lagu xiro soogalootiga iyo xaqootiga, sida in sharciga deganaansha laga dhigo ku meel gaar. Xisbiyada Centerpartiet iyo Moderaterna ayaa ayagana dhawaan la filayaa in ay soo saaran hindiseyaal ku sabsan arrimaha isdhexgalka

Kristdemokraterna ayaa ka dib markii uu dhawaan bayaan ka soo saaray arrimaha isdhexgalka waxaa cirka isku shareertay taageerada xisbiga, halkii ay muujinayey cabirada in uu xisbigan ka heystay codbixiyaasha taageero keliya boqolkii saddex ayuu bayaankiisa ka dib helay boqolkii.

Laakiin codbixiyaasha ayaa boqolkii 23 waxay u arkaan in xisbiga Socialdemokraterna yahay kan ugu siyaasad wanaagsan markay timaado arrimah is-dhexgalka.

Naceyb iyo Cunsuriyadda

Dhanka kale waxaa jira arrin kale oo muhimad ka dhexyeesha codbixiyaasah Sweden oo markii ugu horeysey la billabay in cabir afkaar uruuin lagu sameeyo. Waxayna ku sabsna tahay welwelka ay dadka ka qabaan shiyeeye naceyba  iyo cunsuiryadda.

David ahlin yaa yeri markaan dadka ku wareysano telefoonada waxay dadka noo sheegan in ay ka welwelsan yahiin cunsuriyadda iyo shisheeye naceybka oo arrintaana  tahay mid siyaasadeed oo muhim u leh. Sidaas daraadeed ayaan billownay in aan ku soo darno arrinkan markaan cabir aruurinta sameyneyno.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".