Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sweden oo ciidan u diraysa Somalia

La daabacay fredag 30 januari 2015 kl 17.00

Sweden ayaa hore u shaacisay in ciidamo u dirayso xeebaha Soomaaliya, hadda toddobaataneeyo askari oo reer Stockholm ahi ay isu diyaarinayaan in ay ka hawlgalaan xeebaha Soomaaliya.

Si ula diriraan budhcad badeeda oo ay u sugaan amaanka maraakiibta Qaramada Midoobay ee raashinka u sida Soomaaliya. 

Hogaamiyaha doonida dagaalka tegaysa Soomaaliy, Erik Utterström ayaa leh waxaanu meesha u tegaynaa in aanu samayno wax muhiim ah.

-Waxaan u tegayaa mar waa shaqadayda, sidoo kale waxaan rabaa in aan sameeyo wax ujeedo weyn leh, wax muhiim ah. Waxaa muhiim ah sababaha asaasiga ah ee qofku u tegaayo, waayo khatar badan buu leeyahay arrinkan. Haddiiba wax dhacaan, oo meesha aad u tegayso jar iska xoor, waxaa muhiim in aad is waydiiso suaalo badan.

 Isha: SVT 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".