Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Muxaadaro muran dhalisay oo la joojiyay

La daabacay fredag 30 januari 2015 kl 15.00
Rashid Musa. Arkivbild, foto: Oskar Mattisson/Sveriges Radio.
Rashid Musa, ordöfrande i föreningen Sveriges unga muslimer. Arkivbild, foto: Oskar Mattisson/Sveriges Radio.

Wadaad lagu muransan yahay oo muxaadaro ka jeedin lahaa xaafada Märsta ee magaalatan Stockholm maalinimada beri oo sabti ah ayaa gebi ahaanba la joojiyay

Ururka dhalinyarada muslimiinta reer Märsta ayaa wadaadkan soo casuumay, isaga oo soo jeedin lahaa muxaadaro loogu magac daray ”Muslimiinta waddamada reer galbeedka”.

Hadda ayaa maamulka degmada Sigtuna uu gebi ahaanba joojiyay muxaadaradaas, sababo la xidhiidha muran ka taagan wadaadka jeedin lahaa oo magiciisa la yidhaahdo Haitham Al-Haddad , oo u dhashay waddanka Boqortooyada Ingiriiska, balse asal ahaan Falastiini ah. Wadaadkan ayaa lagu sheegay in uu yahay mid nacayb faafinaya.

Geesta kale ururka dhalinyarada muslimiinta Märsta ee soo casuumay wadaadkan ayaa laga saaray in ka sii mid ahaadaan dalada middaysa Dhalinyarada Muslimiinta ee Sweden. Gudoomiyaha dalada kulmisa dhalinyarada muslimiinta Sweden Rashid Muse oo sharaxaya go’aankan.

- Waxay xubin ka ahaayeen dalada, lakiin waxaanu go’aansanay in aanu joojino xubinimadooda. Hadda annaga nagama tirsana. Waxaanu leenahay siyaasad urur oo cad, urur kasta oo naga mid ahina waa in uu raaca middaas. Siyaasada oo odhanaysa haddii urur ka mid ah daladu uu ka soo casuumaayo lagjar jeediye waddanka dibaddiisa, waa in ururku la tashada guddida dalada, iyaguna middaas may samayn. Sidaa ayuu leeyahay Rashid Muse oo gudoomiye ka ah ururka dhalinyarada muslimiinta Sweden.

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".