Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dowladda oo taagero dhaqaale meesha ka saaraysa

La daabacay måndag 2 februari 2015 kl 12.14
FP waa taageereyna in meesha laga saaro
(3:11 min)
Jan Björklund om vårdnadsbidraget. Foto: TT
Foto: TT

Dhamaadkii sannadkii hore ayey aheyd markii baarlamaanka dalka ogaaladey in ay sii jirto taageerada dhaqaale ee la siiyo waaalidka ilmaha guriga ku heysta ee aan geynin xanaanda, taageradas oo magaceeda yahay Vårdnadsbidrag.

- Arrintan waxaa u aragnaa in ay tahay mid mabda’iyan muhim ah, waxaan mar labaad dooneynaa in uu baarlamaanka tijaabiyo oo dib ugu noqdo. Gu’gan ayaan u kuurgeleynaa sidaan meeshan uga saari laheyn uguna heli laheyn taagero baarlamaani ah.

 Markii miisaaniyadda dolwadda ku shaqeyneyso sannadka 2015 baarlamaanka codka u qaadayey ayey xukumadda ku baaqdey in meesha laga saaro taageerada vårdnadsbidrag, laakiin xisbiyada dhanka midig ayaa soo jeedintas xukumad ku taageerin. Iyaga oo kaashanaya xisbiga Sverigedemokraterna ayey baarlamaanka marsiiyeen bishii december in taageeradan dhaqaale sii jirto.

Xisbiga Kristdemokraterna ayaa taageeradan dhaqaale hirgeliyey intii ay ka mid ahaayeen xukumaddii Alliansen. Taageeradan dhaqaale ayaa ka mid ah arrimaha siyaasadeed ee xisbigan muhiimka u ah. Emma Henriksson oo hormood u ah xildhibaadana xisbiga KD ku leeyahay baarlamaanka ayaa dhaleeceysan damaca xukumadda ee ah in meesha laga saaro taageeradan dhaqaale ee la yiraahdo Vårdnadsbidrag.

- Waa gardaro in xukumadda, iyadoo baarlamaanka meel marsiiyey arrintan in hadana dib ula soo noqoto hindise wax looga badalayo. Taas waxay muujineysaa xushmo daro loo hayo sharci dejinta.

Laakiin mid ka mid ah xisbiyadii awel taageeray meel marinta arrintan ayaa imminka doonayao in taageeradan dhaqaale ee vårdnadsbidrag meesha laga saaro. Hogaamiyha xisbiga Folkpartiet Jan Björklund ayaa sheegay in xisbigiisa codka siin doono dowladda marka arrintaan  la horkeeno baarlamaanka. Inkasta oo uu sheegay in tas micnaheeda aheyn burbur ku yimid wadoshaqeynta xisbiyada Alliansen.

- Haddii arrintan sanandkan gudahiisa loo soo bandhigo hindise goonidiisa u taagan markas xisbiga Folkpartiet waa taageeri doonaa. Taageeradan dhaqaale waxay noqotay mid haweenka tacliinta hoose leh ee dibadaha ka soo jeeda ka hor istaagtay suuqa shaqada. Waa wax laga xumaado waayo waa kooxdan kuwa la doonayo in aan soo gelino suuqa shaqada.

 / Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".