Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

SVT oo haweyney barnaamij jeediye ka ah ku qasbay baaritaan daroogo

La daabacay måndag 2 februari 2015 kl 14.01
Foto: Tobias Edlund/Sveriges Radio
Foto: Tobias Edlund/Sveriges Radio

Haweeneyn barnaamij daadiyahe ka ah telefishinka SVT ayaa lagu qasbay in laga qaado baaritaan daroogo ka dib markii ruux isqariyey soo wacay telefishinka kuna yeri ”barnaamij jeediyaha waxay u egtahay ruux daroogo qaatay”.

Telefishinka ayaa ka dalbaday haweeneyda in ay muddo bil ah iska qaado baaritaan daroogo haddii aysan sidaas sameyna muddo 24 sacadood ah shaqada laga cayrinayo.

Baaritanada laga qaaday haweeneyd barnaamij jeediyaha ah ayaa muujiyey in aysan qaadan wax daroogo ah . arrintan ayaa caro ku dhex abuurtay shaqaalaha telefishinka iyo weliba ururka shaqaalaha.

- Ruuxa barnaamij jeediyaha ka ah telefishinka SVT waa ruux mar kasta qatar ku jira. Billowgii haweynda way ka cabsatay xataa anniga in ay sheegto dhacdadaan. Waxay la socotay waalaca ay abuuri karto, ayuu yeri guddomiyaha ururka saxaafiyiinta Petteri Karttunen oo u warameyey wargeyska Aftonbladet.

Soo jeediyahii hore wararka telefishinka SVT Claes Elfsberg ayaa ku dhaleceyey maamulka telefishinka sid ay u maareeyeen arrintan, waxuuna sheegay in aysan aheyn wax la qaadan karo in telefishinka awoodiisa sidaas ugu talax tago. Waxuuna raaciyey in haweyneyda telefishinka siin doon magdhow iyo weliba qirash ah in qalad laga galay.

/AFtonbladet

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".