Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kufsi haweynay loogu geystay doonta Finland

La daabacay måndag 2 februari 2015 kl 15.01
Viking Line-färja. Foto: AP Photo/ Lehtikuva, Finnish Border Guard/Rajavartiolaitos
Foto: AP Photo/ Lehtikuva, Finnish Border Guard/Rajavartiolaitos

Xeer illaaliye ku sugan Stockholm ayaa baaritaan ku billaabay rag dhallinyaro reer Sweden ah oo tiradooda tahay sideed qof.

Raggan ayaa lagu tuhmayaa in ay habeynimadii sabtida aheyd kufsi aad u foolxun ugu geysteen haweyney 45 sanno jir ah mid ka mid ah doonyaha aada Finland.

Raggan oo doonta lagu dhex qaybtay ayaa loo soo gacan geliyey qaar ka mid ah booliska dalka Sweden. Xeer illaaliyahe ku sugan Stockholm ayaa imminka baaritan ku haya faldabiyeedka kufsiga ah ee raggan lagu tuhmayo.

Tony Öhman oo dhanka farsamada iyo amniga u qaabilsan doonta Viking Line ayaa sheegay in kufisgan in uu yahay kii ugu xumaa ee abad dhaca doontaan dusheeda.

- Falkii ugu xumaa ee abad ka dhaca doontan dusheeda, waayo waxaa kufsiga ka qayb qaatay rag tiro badan.

Waxay aheyd habeynimadii sabtida markii la qabtay rag sideed ah oo 20 jiro ah kuwaas oo lagu tuhmayo in ay ku kufsadeen doonta Amorella ee Viking Line dhexdeeda haweeney 45 sanno jir ah. Haweeneyda la kufsaday iyo weliba raggan denbiga geystay ayaa ah muwaadiniin Iswiidhish ah.

Shan ka mid ah raggaan ayaa loo gacan geliyey booliska magaalada Åbo, halka mid loo gacan geliyey booliska magaalada Mariehamn, labada kalana waxaa loo soo gacan geliyey booliska Stockholm.

Imminkana waxaa socda baaritankii lagu ogaan lahaa sida ay wax u dhaceen, sida laga soo xigtay booliska Stockholm.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".