Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga M oo lagala wareegay awooda siyaasadda gaashaandhiga

La daabacay tisdag 3 februari 2015 kl 16.30
Съезд Консерваторов Швеции выберет нового лидера
Предполагаемый лидер Консерваторов Anna Kinberg Batra. Foto: TT

Xisbiga Moderat-ka oo in badan hormood ka ahaa siyaasadda arrimaha difaaca ayaa hadda lagala wareegay, ka dib markii ra’yi ururin ay si wada jir ah u sameeyeen wargeyska Dagens Nyheter iyo machadka ra’yi ururinta ee Ipsos.

Dadkan reer Sweden oo arrintan wax laga waydiiyay ayaa aaminsan in hadda xisbiga Socialdemokraterna ay siyaasaddiisa la xidhiidha arrimaha gaashaandhigu ay wanaagsantahay oo la mid tahay midda xisbiga Moderat-ka.

Ra’yi ururinta oo la sameeyay bishii janaayo ayaa muujinaysa in tirada dadka la dhacsan siyaasadda gaashaandhiga ee xisbiga M ay hoos u dhacday boqolkiiba laba ilaa iyo bishii ogos ee sannadkii hore.

Isha: DN

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".