Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga FP oo ka hadlay siyaasadda soogalootiga

La daabacay onsdag 4 februari 2015 kl 10.03
Waxa batay dadka iska baadhaya kansarka uu hidduhu keeno
(0:35 min)
Asylsökande lär sig svenska. Foto: Agneta Johansson Sveriges Radio
Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga FP oo ka hadlay siyaasadda soogalootiga. Foto: Agneta Johansson Sveriges Radio

Saddex siyaasi oo ka hawlgala maamulka hoggaanka degmada ( Kommunpolitiker), kana tirsan xisbiga Folkpartiet iyo xildhibaan ka tirsan guddida xisbiga ayaa maanta qoraal ay ku qoreen jarriiradda DN ku

sheegay in loo baahan yahay in xisbiyada baarlamaanka ku jiraa dejiyaan siyaasad cad oo muujinaysa hannaanka ay maamulada degmooyinku u qaabilayaan dadka soogalootiga ah. Taasi oo ka dhigan in la garan karo tirada saxda ah ee degmo kastaaba qaabili karto.

Laba siyaasi oo kale oo isla xisbiga Folkpartiet ka tirsan ayaa iyana maanta jarriiradda Svenska Dagbladet ku qoray in loo baahan yahay in hawshan loo saaro guddi madaxbanaan oo qiimayn ku samaysa tirada dadka soogalootiga ah ee Iswiidhan qaabili karto.

Xigasho: DN, SvD

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".