Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Booliiska oo xidhay dad lagu eedeeyay wax-is-dabamarin

La daabacay onsdag 4 februari 2015 kl 15.00
Polisbil samt poliser på platsen för skottlossningen i Kristianstad. Foto: Johan Nilsson/TT
Booliiska oo xidhay dad lagu eedeeyay wax-is-dabamarin . Foto: Johan Nilsson/TT

Booliiska ayaa xidhay dhawr qof oo looga shakisan yahay danbiyo culus oo wax-is-dabamarin ah. Dadkan la xidhay ayaa ah kuwo lagu eedeeyay in ay si qaldan oo tuugo ah lacago badan uga qaateen

xafiiska shaqada ee magaalada Stockholm. Dadkan la xidhxidhay ayaa waxa ku jira hal qof oo meeqaam sare bulshada ku dhex leh, kana tirsan kiniisadda oortadhagaska Siiriyaaniyiinta ( syrisk-ortodoxa kyrkan). Qofkaasi ayaa looga shakisan yahay in uu lacag badan oo hal milyan gaadhaysa ka dhacay xafiiska shaqada, (arbetsförmedlningen), isaga oo hab shaqaalenimo oo been ah u isticmaalay.

Xogaha ay idaacadda Ekot helayso, ayaa sheegay in la qabtay laba qof oo ka shaqeeya xafiiska shaqada, kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay gacan siin jireen dadka tuugada ku kacay.

Bishii siibtembar ee sannadkii hore ayaa 16 qof lagu xukumo danbiyo, kadib markii lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen shabakadda Södertäljenätverket, taasi oo loo malaynayo in ay ka danbaysay laba dil oo deegaanka Södertälje ka dhacay. Hawlgalkan shalay la sameeyay ayaa ah mid lagu ugaadhsanayo dad badan oo danbiyo galay.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".