Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ururrada xuquuqda carruurta oo ka hadlay xaaladda dhallaanka

La daabacay onsdag 4 februari 2015 kl 16.07
Monica Vigren på snötäckt skolgård tillsammans med barnen My, Moltas och Alma Vigren. Foto: Petra Levinson/Sveriges Radio.
Ururrada xuquuqda carruurta oo ka hadlay xaaladda dhallaanka. Foto: Petra Levinson/Sveriges Radio.

Lix urur oo u dooda xuquuqda carruurta ayaa qoraal ay jarriiradda DN ku qoreen soo jeediyay in la wanaajiyo xaaladda nololeed ee ubadka ku nool Iswiidhan, si loo sii horumariyo nolosha carruurta.

Farriintan ayaa soo baxday kadib iyada oo ay maanta guddida xuquuqda carruurta ee qaramada midoobay soo bandhigayso warbixin dheer oo Iswiidhan ku canaananaysa sida ay u jabisay sharciga xuquuqda carruurta. Qoraalkan ay maanta jarriiradda DN ku qoreen ururradani ayaa soo bandhigaysa sida loogu baahan yahay in si weyn loo hagaajiyo waxbarashada carruurta, iyada oo aan la eegayn uun macallimiinta, ee sidoo kale kor loo qaadayo tayada shaqaalaha ka hawlgalaha haayadaha dawladda ee ka shaqeeya arrimaha carruurta.

Qoraalkan ayaa muujinaya in loo baahan yahay in halo hannaan si degdeg ah u caawin kara ubadka, kaasi oo dhegaysanaya cabashooyinkooda. Si ay carruurtu u hesho daryeel wanaagsan, loona dhawro xuquuqdooda.

Xigasho: DN Debatt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".