Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ylva Johansson oo ka hadashay deegaamaynta qaxoontiga

La daabacay torsdag 5 februari 2015 kl 10.15
Svenljunga kommun har ett hot om böter hängade över sig om kommunen inte tar tag i problemen i matsalen på Mogaskolan, nu ska det bli bättre lovar samhällsbyggnadschefen Fredrik Ekberg. Foto: Jenny Hellström
Wasiiradda isdhexgalka oo ka hadashay deegaamaynta qaxoontiga. Foto: Jenny Hellström

Ylva Johansson oo ah wasiirka isdhexgelka ayaa diyaarinaysa sharci cusub oo maamulada degmooyinka ku qasbaya in ay qaabilaan dadka qaxoontiga ah ee dalka ku cusub.

Ylva Johansson waxa ay sheegtay in loo baahan yahay in sharciga wax laga beddelo si degmooyinku u noqdaan kuwa si siman u qaabilaya dadka soogalootiga ah. Waxaanay intaasi ku dartay in loo baahan yahay in la yareeyo dadka qaxoontiga ah ee ku badanaya magaalada Malmö, si culayska looga qaado magaaladana waa in degmooyinka kale loo kale qaybiyo. Wasiiraddu iyada oo la hadlaysay jarriiradda Sydsvenskan waxa ay tidhi:

- Sida dadka qaxoontiga ah loo qaybiyaa maaha mid macquul ah. Waxa aanu u baahannahay in aanu sharciga wax ka beddelno, si degmo kastaaba masuuliyadda dhankeeda ka soo baxdo.

Wasiiradda ayaa si cad u sheegtay in aan loo dulqaadan karin in degmooyinka qaniga ahi qaabili waayaan dadka qaxoontiga ah, halka maamulada degmoyinka aan dhaqaalaha badan lahayn ee sida magaalada Malmö oo kale uu ku dhacaya culayska ugu badani.

- Maaddaama oo aynu rabno in ay Iswiidhan ka soo baxdo ballanqaadkeeda, waxa aynu u baahannahay in aynu dadka soogalootiga ah si siman u dejinno maamulada degmooyinka.

Taasi waxa ay ahayd Ylva Johansson oo ah wasiirka isdhexgalka.

Xigasho: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".