Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shuruucda guryaha qacan-labaadka ah oo wax laga beddelayo

La daabacay torsdag 5 februari 2015 kl 11.02
Bostadsområde. Foto: Nick Näslund/Sveriges Radio
Shuruucda guryaha qacan-labaadka ah oo wax laga beddelayoFoto: Nick Näslund/Sveriges Radio

Wasiirka guryaha Mehmed Kaplan  ayaa sheegay in uu wax ka beddel ku samayn doono sharciga guryaha gacan labaadka lagu kireeyo.

Dawladdii hore ayaa aad u fududaysay shuruucda lagu kiraysto guryaha gacan labaadka ah, waxaanay sidoo kale meesha ka saartay in qofka guriga gacan labaadka ah kiraystay u dacwoon karo haayadda guri kiraynta qaabilsan. Waxaanay ujeeddadu ahayd sidii loo yarayn lahaa kirada guryaha gacan labaadka lagu kiraysto, laakiinse  baadhitaan ay idaacadda P4 Stockholm samaysay ayaa  muujinaya in aanay taasi u dhicin sidii la rabay. Taas beddelkeedana waxa kor u kacay kirada guryaha gacan labaadka lagu kiraysto ee Stockholm. Wasiirka guryaha Mehmed Kaplan ayaa taasi u arka horumar lagu guuldaraystay, waxaanu doonayaa in uu hadda wax ka beddelo shuruucdaasi.

 - Waa arrin deg deg ah. Waxaanay aad u saamaysay da' yarta iyo ardayda. Waxa ay sidoo kale saamayn ku yeelatay dadka shaqooyinka magaalada ka helay ee raba in ay magaalada u soo guuraan. Sidaa daraadeed waa in wax laga qabto arrintan. Runtii aad iyo aad baan uga welwelsanahay.

Xigasho: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".