Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ciidamo Iswiidhish ah oo saldhig ka samaysanaya dalka Maali

La daabacay torsdag 5 februari 2015 kl 14.00
brist på soldater
Ciidamo Iswiidhish ah oo saldhig ka samaysanaya dalka Maali

Ciidamada Iswiidhiskhka ah ee ka qayb qaadanaya hawlgalada ay qaramada midoobay ka waddo dalka Mali ayaa bilaabay in ay saldhig weyn ka samaystaan duleedka magaalada Timbuktu.

Hawlgalkan ay ciidamada Iswiidhishku ka qaybqaadanayaan ayaa ah kii hawlgalkii ugu weynaa ee ay Iswiidhan ka qaybgasho tobankii sanno ee u danbeeyay, sidaasi daraadeed waa hawlgal miisaankiisa leh. Kornayl Carl Axel Blomdahl oo ka hadlaya saldhigan cusub ee ay samaysanayaan ciidamada Iswiidhishku ayaa sheegay in uu saldhigani yahay mid weyn, magaciisuna uu noqon doono Camp Nobel, taasi oo ka dhigan xeradii Nobel.

- Tani waa hawl adag. Ma sahlana in 400 oo koontaynar laga raro Iswiidhan, iyada oo loo qaadayo waddan 200 mil gudaha ugu jira qaarada Afrika.

Kaasi waxa uu ahaa Carl Axel Blomdahl oo ah kornayl ka tirsan ciidamada Iswiidhishka ah ee ku sugan waddanka Mali.

Xigasho: SR

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".