Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Gabdhaha oo aan ku kalsoonayn qaabdhismeedka jidhkooda

La daabacay torsdag 5 februari 2015 kl 16.01
Träning i grupp. Foto: Jessica Gow/TT.
Gabdhaha yar yar oo ku mashquulsan sidii ay isku caatayn lahaayeenFoto: Jessica Gow/TT.

Inkasta oo wiilasha iyo gabdha da'doodu u dhaxayso 11 ilaa 15 ay badanaa jidh ahaan caafimaadqabaan, haddana waxa inta badan la soo dersa culays dhanka maskaxda ah.

Sidaasi waxa muujinaysa daraasad cusub oo ay samaysay haayadda caafimaadka bulshada (folkhälsomyndighetens). Daraasaddan ayaa lagu sameeyay 8000 oo ah carruurta iskuulada dhigta. Waxaanay daraasaddani muujinaysaa in badani carruurtani aaminsan yihiin in ay uu miisaan dheeraad ahi saaran yahay ama ay cayileen, taasina ay keentay in aanay ku kalsoonayn qaabdhiska jidhkooda. Labadii gabdhoodba mid baa aaminsan in ay cayilan tahay, halka qiyaasta la sameeyay muujinayso in 12% da' yartii su'aalaha la waydiiyay uu miisaankoodu culus yahay.

Da' yar badan baa ku hawlan sidii ay isku caatayn lahaayeen, iyaga oo cuntada iska yaraynaya. Shantii gabdhood ee da'doodu tahay 13 jirka, mid ka mid ayaa ku hawlan sidii ay isku caatayn lahayd. Sidoo kale dhanka wiilasha ayaa iyana xaaladdan oo kale ku jira.

Xigasho: SVT Nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".