Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cunsurinimo joogto ah oo lagula kaco dadka roomarka ah

La daabacay fredag 6 februari 2015 kl 10.00
Människorättsveteranen Thomas Hammarberg leder Kommission mot antiziganism. Foto: Ola Westerberg / TT.
Människorättsveteranen Thomas Hammarberg leder Kommission mot antiziganism. Foto: Ola Westerberg / TT.

Dadka roomarka halkeedii ka sii socota cunsurinimada lagu haya dadka roomarka ah, booliska iyo hey’addaha kale ee dawliga ahi waa in ay kor u qaadaan dagaalka ka dhanka ah umuurtan.

Sidaa waxaa qoraaya guddida curdinka ah ee loo calmaday ka hortaga nacaybka ka dhanka ah dadka roomarka ah, waxaa loo yaqaan Anti-Ziganism. Guddidan oo maanra soo saartay warbixintoodii ugu horaysay.

Gudoomiyaha guddida ka hortaga nacaybka lagu hat oroomarka, Thomas Hammberg.

-Nasiib daro waxaa jira dareen ku jira dad badan oo roomi ah, middaas oo ah in aan qofku sheegin in uu yahay roomi, in aanu qofku sheegin in uu ka tirsan yahay roomiyiinta Sweden. Umuurtan waxay muujinaysaa in ay tahay mid meel adag la iska taago.

Maqaaxiyaha, marka uu qofku raadinayo hoy ama shaqo, marka qofku soo adeeganayo. Meel kasta dadka roomarka ah waxaa loo geysta faqooq.  Ayuu leeyahay Thomas Hammberg.

Waxay ahayd sannad ka hor markii isaga iyo siddeed kale oo ka mid ah guddida ka hortaga nacaybka ka dhanka roomarka uu soo bandhigay wasiirkii hore isdhexgalka Erik Ullenhag. Maanta ayaa guddidani warbixintoodii ugu horaysay u gudbin doonaan dawladan cusub.

samir.dualeh@hotmail.com

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".