Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Digniin Muhiim ah : Warshad ku gubatey Örnsköldsvik ayaa qiic badani ka baxayaa ee dadka aagaas daganow ka taxadara.

Taageero loo muujiyay Jan Björklund

La daabacay fredag 6 februari 2015 kl 13.30
Delad bild: Hanna Håkansson, riksordförande för Liberala studenter samt Jan Björklund, partiledare för Folkpartiet. Foto: Pressbild samt TT.
1 av 2
"Det är viktigt att lyfta på alla stenar", säger Hanna Håkansson. Foto: Pressbild samt TT.
Torkild Strandberg, Linda Nordlund och Jan Björklund. Foto: TT.
2 av 2
Torkild Strandberg, Linda Nordlund och Jan Björklund. Foto: TT.

Ka dib natiijadii markii xisbiga Folkpartiet uu natiijo xun ka soo hooyay doorashooyinkii dayrtii hore, ra’yi ururinta laga qaaday dadka oo ka janjeedha xisbiga iyo tallabada uu rabo in uu xisbigu ka ciyaaro arrimaha isdhexgalka, ayaa kaliftay in suaali ka timaado in Jan Björklund uu sii ahaado gudoomiyaha xisbiga Shacabka, ee Folkpartiet.

Balse u kuur gal uu Telefeeshinka Qaranka Sweden, SVT ku san laamaha gobolada ee xisbiga ayaa muujinaysa in tageero badan loo hayo gudoomiyaha xisbiga Folkpartiet Jan Björklund.

Gudoomiyayaasha xisbiga ee 23 gobol oo la waydiiyay in uu Jan Björklund sii ahaado gudoomiyaha xisbiga ayaa 20 ka mid ahi u arkaan in Björklund uu ku sii negaado jadagada gudoomiyenimo ee xisbiga Shacabka, Folkpartiet.

Bilawgii usbuucan ayay ahayd markii ururka arddayda ee xisbiga iyo laanta xisbiga ee degmada Sigtuna ay sheegeen in qabaan in Jan Björklund uu baneeyo jagada hogaanka ee xisbiga.

Isha: SVT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".