Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Haweenay weerar ku qaaday Kent Ekeroth

La daabacay fredag 6 februari 2015 kl 16.30
Han är korthårig.
Kent Ekeroth är politiker för Sverigedemokraterna och han är med i riksdagen. Foto: TT.

Siyaasiga Kent Ekeroth oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna, kana tirsan baarlamaanka waddankan Sweden ayaa weerar ay ku qaaday haweenay, xalay mar ay ku sugnaayeen makhaayad khamriga lagu cabo oo ku taal suuqa Stureplan ee magaalada Stockholm.

Halkaas oo uu xildhibaan Kent Ekeroth uu la fadhiyay dad ay macaariif yihiin. Sida laga soo xiganayo madaxa sirdoonka Sweden Sirpa Franzen, gabadha ayaa u timi Ekeroth, ka dib markii hadalo is dhaafsadeena dusha kaga shubtay cabitaan. Intaa ka dib ilaaliyayaasha Kent Ekeroth ayaa gabadha qabtay oo booliska u yeedhay.

Gabadhan ayaa lagu dacweeyay in ay geysatay dhibid oo boolisku waraysi ka qaaday, intii aan la sii deyn.

Isha: TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".