Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Magangelyo doon aan rabin in ay ka guuraan Halmstad

La daabacay fredag 6 februari 2015 kl 15.00
Konaktcentret Halmstad direkt ska den första tiden husera i kommuntryckeriets gamla lokaler. Foto: Henrik Martinell
1 av 2
Konaktcentret Halmstad direkt ska den första tiden husera i kommuntryckeriets gamla lokaler. Foto: Henrik Martinell

Xero qaxoonti oo ku taal magaalada Halmstad ayaa magangelyo doonka halkaas degani ay mudahaarad ka muujiyeen in loo raro xero qaxoonti oo kale, dadkan oo tiradoodu tahay 150 qof ayaa ka biyo diidsan in goobtaas laga raro.

Sababta dadkan meesha looga rarayo ayaa ah in heshiiskii Laanta Socdaalku la lahayd mulkiilaha xeradan uu dhamaanayo. Dadkan qaxoontiga ah ayaa ka welwelsan in la geeyo meel ka baxsan magaalo. Dadkan oo qaar ka mid ah ayaa shaqooyin tabobar ah ka haystaan magaalada Halmstad, halka kuwo kalena iskuulo ka dhigtaan magaadaas.

Hadda ayaa madaxa saxafaada ee Laanta Socdaalka Fredrik Bengtsson uu u sheegay wakaalada wararka ee TT, in qofkii halkaa ku haysta shaqo tabobar ah uu fursad weyn u haysto in la geeyo meel ku dhow meeshaas u ka shaqeeyo.

Bas soo doonay 14 qof oo ka mid ah dadkan ayaa meesha ka tegay isaga oo qaaday laba ruux oo qudha.

Isha: P4 Halland/TT  

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".