Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Adaktusson: Uma carbiyeeysni inaan hoggaanka KD qabto

La daabacay måndag 9 februari 2015 kl 10.58
Göran Hägglund, Alf Svensson och Lars Adaktusson. Foto: Claudio Bresciani/TT
Göran Hägglund, Alf Svensson iyo Lars Adaktusson. Sawirle: Claudio Bresciani/TT

Lars Adaktusson oo ka mid ah xil-dhibaannada baarlamanka EU u matala xisbiga Kristendemokaratera, ayaa sheegay in aannu diyaar u ahayn inuu isu taago tartanka hoggaanka xisbiga, dabadeed kolkii uu hoggaamiyihii xisbigaasi Göran Hägglund uu ku dhawaaqay inuu jagada ka degi doono.

Adaktusson ayaa go'aankiisaa ku saleeyay in aanay waayo-arag-nimada uu xisbga u leeyahay aanay ku fillayn. Laba sannadood ayaa laga joogaa kolkii uu Adaktusson oo hray ugu howl-geli jiray suxufi-nimo uu siyaasadda ku biiray.

- Wayo-arag-nimo igu filan ee dhanka siyaasadda ma aan lihi. Sidoo kale uma lihi waayo-arag-nimo dhanka su'aalaha siyaasaddaha kala duwan, sida uu shegay Lars Adaktusson oo wareeysi siiyaya war-geeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter.

Kulan aan caadi ahayn oo xisbiga KD yeelan doona 25-ka bisha abriil ee sannadkan ayaa lagu talo jiraa in lagu doorto hoggaamiyihii bedeli lahaa Göran Hägglund.

Isha/P4 Jönköping

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".