Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Booqashada Cabbaas ee Iswiidhen

La daabacay måndag 9 februari 2015 kl 11.38
Den palestinska presidenten Mahmud Abbas välkomnar regeringens beslut. Foto: TT
Madax-waynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas iyo wasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen Margot Wallström. Sawirle: TT

Caasimadda dalkan Iswiidhen ayuu maanta booqasho ku iman doonaa madax-waynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas. Kooxda bulshada reer Falastiin ee ku dhaqan dalkan ayaa u aragta in booqashada uu Cabbaas dalkan ku imaneyo ay muhiimad ballaaran ku fadhido:

- Midda aan rajeeyneyno waxay tahay in booqashada Maxamuud Cabbaas ay sii adkayso kaalintiisa madax-wayno-nimo ee qowmiyadda falastiin ku leedahay caalamka, sida uu sheegay Henrik Carlborg, kana tir-san hoggaanka kooxda qowmiyadda Falastiin ee dalkan Iswiidhen.

Madaxa dawladda Iswiidhen Stefan Löfven ayaa ku casumay booqasho inuu dalkan ku yimaado Maxamuud Cabbaas, iyadoona marka laga yimaado kullammada uu la yeelan doono Löfven iyo wasiiraddiisa arrimmaha dibadda Margot Wallström uu la kulmi doono boqorka dalka Carl XVI Gustaf iyo hoggaanka sare ee kaniisadda Iswiidhen Antje Jackelén.

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".