Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ha la jebiyo heshiiska milateri ee dalka Sacuudiga lala leeyahay

La daabacay måndag 9 februari 2015 kl 13.00
Фото: Hardy/Flickr
Sawirle: Hardy/Flickr

Hoggaanka dalkan Iswiidhen waa inuu burburiyo heshiiska milateri oo ey dawaldda Iswiidhen la gashay dalka Sacuudiga, sida ay qabto af-hayeenka arrimmaha dibadda ee xisbiga Miljöpartiet Valter Mutt mar ay wareeysi siisay idaacadda Svt oo ey doodi ku dhex martay P.M Nilsson oo ka howl-gala war-geeyska Dagens Industri.

Heshiiska lala galay Sacuudiga waa mid dhowaantan dib loo cusbooneysiin doono, iyadoona uu fikirka dawladda ahaa sidii dib loogu cusbooneysiin lahaa heshiiskaa. Hase yeeshee sida ay aamin-san tahay Valter Mutt uu heshiiskaasi markiisii horeba ahaa mid khalad lagu galay.

Åsa Romson, kana mid ah labada hoggaamiye ee xisbiga Doogga Miljöpartiet ayaa sheegtay in dawladdu ay dib fikirkeeda su'aashaa la xiriira uga jawaab bixin doonto.

Heeshiiskan milateri ee dalkani la galay dawladda Sacuudiga ayay qalinka ku duugtay dawladda sooshiyaalka ee dalka hoggaaminaysay sannadkii 2005.

Isha/ Svt: Agenda

                                                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".