Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhaleeceeyn loo jeediyay machadka isirka ee Uppsala

La daabacay måndag 9 februari 2015 kl 13.59
Ett av albumen från rasbiologiska institutet. Foto: Sameradion & SVT Sápmi
Mid ka mid ah albuummada sawirrada ee machadka isirka Uppsala. Sawirle: Sameradion & SVT Sápmi

Machadka isirka ee magaalada Uppsala ayey xogta uu hayaa u furan yihiin cid walba oo doonaysa sidii ey wax uga ogaan lahaayeen. Middaasina oo ka careeysiisay guddoonka hoggaanka ee qowmiyadda Saamiga (Sametinget), sida uu sheegay guddomiye Håkan Jonsson, isagoona intaa raaciyay in loo baahan yahay sidii wax looga bedeli lahaa amuurtaa iyo in laga hor-tago faafinta xogta sawirrada ee machadka yaala.

Jonsson ayaa sheegay in sawirrada machadka yaalaayi yihiin kuwo meel ka dhac ah, isla-markaana loo baahan yahay in is-bedel arrinkaa laga sameeyo.

Sawirrada lagu hayo machadka jinsiga ayey ka mid yihiin sawirro laga qaadey dadyoow ka mid ah qowmiyadaha roomerka iyo saamiga qaybtii hore ee qarnigii 1900. Kuwaasina oo ey ka mid yihiin sawirro dadyoow qaaqaawan.

Guddoomiyaha hoggaanka guddoonka saamiga Håkan Jonsson ayaa iminka qaba in loo baahan yahay sidii wax looga bedeli lahaa, isagoona ku dhaleeceeyay in aanay sharci-dejiyeyaashu amuurtaa horay wax uga qaban.

Isha/ SR Sameradio

                                                                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".