Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cudurka kaankarada iyo tartanka Vasloppet

La daabacay måndag 9 februari 2015 kl 14.48
Vasaloppet
Sawirle: TT.

Dadyoowga ka qayb qaata tartanka sannadlaha ee Vasaloppet ayaan looga cabsi qabin inuu ku dhaco cudurka kaankarada, kolka loo barbar-dhigo dadyoowga aan ka qayb-qaadan, sida lagu caddeeyay baaritaan ay jaamicadda uppsala ku sameeysay 200 000 oo ruux oo ku tababarta ulaha dhaadheer ee barafka lagu dul cararo (skidåkare).

Waxa la hadal hayo waa noocyada kaankarada ee saameeya caafimaadka iyo hab-nololeedka, iyadoona uu dhanka kale baaritaankani caddeeyey natiijo horay uga soo baxday baaritaan dhiggiisa ah iyo in tababarradu dhimaan halista cudurka kaankarada ee gala xiidmaha, kelyaha iyo ilmo-galeenka.

Halka dhanka kale uu jiro halis dheeri ah ee kaankarada maqaarka.

Isha/ Ekot

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".