Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Muwaadin Iswiidhish ah oo ku xiran Dalka Itoobiya maxkamad la'aan

La daabacay måndag 9 februari 2015 kl 16.20
Staket utanför fängelse. Foto: Fredrik Sandberg/TT.
Sawirle: Fredrik Sandberg/TT.

Dhakhtar Iswiidhish ah oo dhalashadiisii hore ay ahayd itoobiyaan, Fikru Maru, ayaa muddo labaatan bilood ah ku xabisnaa Itoobiya isaga oo aan maxkamad la hor keenin.

Muddo iminka laga joogo sanooyin aan badnayn ayuu caasimadda dalkaasi Addis ababa ka furay cusbital qaabil-san dar-yeelka wadnaha, midkaasina oo laga maal-gelin jirey dalkan Iswiidhen.

Bishii maajo ee sannadkii 2013 ayaa xabsiga loo taxaabay Fikru Maru, isagoona lagu eedeeyey inuu dalka alaabooyin ku soo geliyey si sharci-darro ah, hase yeeshee dembigaa iminka hoos loo dhigay, hase yeeshee iminka lagu eedeeyneyo inuu laaluush ku bixiyay sii dayntiisa.

Gar-yaqaanka dhibbanaha Hans Bagner ayaa sheegay in xaaladdani tahay mid aanaysiyaasadi ka maqneyn.

Fikru Maru ayaa loo qabtay muddadii dacwaddiisa la qaadi lahaa intii aan dib loola noqon middaa. Halka dhowaantan loo qabtay in dacwaddiisa maxkamad la hor keeni doono bisha maarso, hase yeeshee aan la hubin halka ay ku dambeeyn doonto.

Dhowaantan ayay ahayd kolkii uu madaxa dawladda Iswiidhen Stefan Löfven uu booqasho ku tagay dalka Itoobiya oo uu ka socday kulankii hoggaamiyeyaasha waddammada Afrika, halkaasina oo uu kula kulmay dhiggiisa ee dalka Itoobiya, hase yeeshee uu ka gaabsaday inuu ka faaloodo arrimmihii ey ka wada hadleen ee xaaladda Fikru Marus.

Muwaadiniin iswiidhish ah oo gaarsii-san 200 ayaa maantadan ku sugan xabsiyo kala duwan ee caalamka ku yaala.

Isha/ Ekot

                                                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".