Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Abbas oo booqasho Sweden ku jooga

La daabacay tisdag 10 februari 2015 kl 10.27
Palestiniernas president Mahmoud Abbas har grått hår och glasögon. Bredvid honom går andra palestinska politiker.
Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas oo ay garab socdaan siyaasiin Falastiin ah. Foto: Kevin Frayer, AP/TT

Madaxweynaha dalka Falastiin Mahmoud Abbas ayaa shalay booqasho ku soo gaaray dalka Sweden.

Maanta gelin hore Abbas waxuu Kulan layeelan doonaa  wasiiradda arrimaha dibadda, gelinka danbena waxaa la filayaa in uu kulan kula yeesho aqalka madaxtooyada Rosenbad ra’iisalwasaaraha dalka Sweden Stefan Löfven, waxaan la filayaa in uu Abbas heshiis la saxiixdo dolwadda dalkan Sweden. Waddanka Sweden ayaa dhamaadkii sannadkii hore noqdey waddankii ugu horeeyey waddamada reer galbeedka ee aqoonsada dalka Falastiin

- Inkastoo Sweden tahay dal aad u yar haddana weligeed waxay aheyd waddan quwad weyn marka ay timaado arrimaha moralka ee siyaasadda caalamiga ah. Tusaale Sweden waxay ka mid aheyd waddamadii ka soo horjeeday nidaamkii midab kalo sooca ee dalka Koonfur Afrika ka jirey, qabsashadii Tjeckoslovokien, dhibaatadii ka taagneyd Isbaaniyeen iyo Chille . Marka Sweden markey timaado arrimaha moralka ee siyaasadda caalamiga ah waa waddan quwad weyn, in ay aqoonsato Falastiin oo ay marti qaado madaxweyne Abbas waa tillaabo aad u weyn oo muhiim u ah dadka Falastiiniyiinta. Laakiin qiimaha ay yeelan doonto waa la arki doonaa mostaqbalka, ayuu yeri Omar Sheikhmous oo ku xeeldheer culumta siyaasadda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".