Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Waardiye sagaal sanno jir si xun u gaaraacay oo la baarayo

La cusbooneeyay onsdag 11 februari 2015 kl 05.24
La daabacay tisdag 10 februari 2015 kl 11.03
Guddoomiyaha ururka Stand down sir
(13 min)
Foto: Sydsvenskan.
Sawirka waxaa leh wargeyska Sydsvenskan

Wiil sagaal sanno jir ah ayaa habeynimadii jimcaha xarunta tareenada magaalada Malmö waxaa si xaadsinimo ah dhulka ugu lagdey labo nin oo ah waardiyaasha nabadgeliyada qaabilsan.

Film laga duubey raggan oo dhulka madax ula dhacaya wiilka yarkaa ah ayaa lagu baahiyey aaladaha bulshada. Filmka ayaa muujinaya mid ka mid ah raggan waardiyaasha ah oo wiilka ku fadhiya islamarkaana marna madaxa dhulka ugu dhufanaya marna gacanta afka kaasaraya.

Waqti ka bacdii waxaa goobta soo gaaray ciidanka booliska oo jeebo ku dhuftay wiilkan iyo mid kale oo la socday.

Dhacdadaaan ayaa kacisey xiisad weyn. Raggan waardiyaasha ah ayaa imminka waxaa dacwado ka gudbiyey dad badan taas oo keentey in hadda booliska baaritaan ku saameeyo waardiyaasha.

- Jimacahii uma aanaan arag raggan in ay galeen wax danbi ah taas oo keentey in aanaan wax baaritaan ah raggan ku sameyno. Hadda waxaa na soo gaarey dacwado badan oo ka dhan ah arrinta ay raggan sameeyeen taas oo kaliftey in aan baaritaan ku sameyno, ayuu yeri afhayeenka booliska gobalka Skåne Lars Förstello o laanta P1-morgon u waramayey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".