Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i Kronåsens industriområde med kraftig rökutveckling som följd.
(Publicerat idag kl 15.48)
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Xildhibaan SD ka tirsan oo lagu tuhmayo danbi dhaqaale

La daabacay tisdag 10 februari 2015 kl 14.15
Martin Kinnunen
Foto: TT

Xildhibaan Martin Kinnunen oo xisbiga SD u fadhiya baarlamaanka ayaa lagu tuhmayaa in uu galay danbi weyn oo dhaqaale, sidaas waxaa shalay kashifey telefishinka TV4Nyheetrna.

Hey’adda Ekobrottsmyndigheten ayaa Tv4 u xaqiijisey in guriga Kinnunen baaritaan lagu sameeyey. Xeer illaaliyaha ayaa maanta soo banhdigi doona halka baaritaanka lagu hayo xildhibaankan marayo.

Xildhibaan Kinnunen oo saxaafadda la hadalyey ayaa yeri ”waxaan isku arkaa in aanan gelin wax danbi ah”.

Faldanbiyeedka loo heysto Kinnunen ayaa la tuhmayaa in la galay ka dib markii afhayeenkii hore ee arrimaha dhaqaalaha Erik Almqvist lagu qasbay in uu iska casilo xubinimada xisbiga ka dib markii uu aflagaadeeyey majaajileyste caan ah oo dalka dibadiisa ku dhashay kuna hadlay arrimo fadeexad iyo cunsurinimo ah. Markuu iscasilay ayaa shirkado xisbiga leeyahay oo Kinnunen masuul ka yahay laga siiyey magdhow Erik Almqvist, balse lacagta ayaa si qaldan loo diiwaan geliyey, sida uu wariyey Tv4.

Martin Kinnunen ayaa inkirsan in uu galay wax danbi ah waxuuna sheegay in hogaanka xisbiga uu taageero iyo kalsooni ka heysto.

- Ariintan waxaan kalo hadlay hogaankla xisbiga. Waxaan ka daareemay in aan heysto taagero iyo kalsooni badan, ayuu yeri.

Faldanbiyeedkan dhaqaale ayaa waxaa sidoo kale hey’adda Ekobrottmyndigheten wareysiyo kalo yeelatay illa lix ruux oo ka tirsan xisbiga, sidoo kale xisbiga xarunmahiisa ayaa baaritaan lagu sameeyey.

/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".