Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhaqtar iyo qareen Flashback cunsuriyad ku qoray oo la fashilay

La daabacay tisdag 10 februari 2015 kl 15.54
Balonger med Sverigedemokraternas logga samt Flashbacks logga (infälld).
Montage. Foto: TT samt skärmdump från sajten Flashback.

Dhaqtar iyo garyaqaan ka howlgala EU oo waxyaabo cunsuriyad ah ku qoray bogga Flashback.

Bogga Flashback ayaa ah bog ay dad badani ayaga oo magacooda qarinaya ku sheekeystaan iskuna dhaafsadaan xogta. Laakiin badaanaa waxyabaha lagu qoro bogga ayaa waxaa ka buuxa arrimo cunsuriyad iyo naceyb ku dhisan. Wargeyska Aftonbladet ayaa todobaadkan dabogal ku sameeyey dadka ku qora Flashback waxyaabaha naceybka iyo cunsuriyadda ku dhisan.

Dadka naceybka iyo cunsuriyada ku qora boggaan ee wargeyska fashilay ayaa waxaa ka mid ah nin dhaqtar ka ah mid ka mid ah hosbitaalada dalka ugu waaweyn iyo nin xeer yaqaan ah oo ka howlgala baarlamaanka EU.

Waxayaabaha uu dhaqtarka ku qoray Flashback waxaa ka mid ah in "muslimiinta yahiin sawiro sida idaha oo kale ah" iyo in "islamka yahay mabaadii shar ah oo rabsho iyo dad naceyb ku dhisan".

Halka ninka xeer yaqaanka ah oo gacanyare u ah xildhibanada baarlamaanka EU Kristina Winberg (SD), uu ku qoray boggaan waxyaabo cunsuriyad ah. Ka dib markii wargeyska fashilay aya ninkan iskaga tagay howlshii uu u hayey xisbiga SD sida ay wargeyska u sheegtay xildhibaanad Winberg.

Fashilaadan labadaan nin ayaa waxaa iska kaashadeen wargeyska Aftonbladet iyo koox la yiraahdo researchgruppen, laakiin labadaan keliya ma ahan dadka cunsuriyadda ku qorey boggan ee dabogalka lagu sameeyay. Wargeyska ayaa sidoo kale fashilay nin siyaasi u ahaan jirey oo xisbiga MP ku matali jirey golaha magaalada Karlskrona, kaas oo asna ku qorey waxyaabo cunsuriyad iyo soogalooti naceyb ah. Ninkan ayaan tan iyo dhamaadkii sannadkii hore wax xil ah ka heynin xisbiga MP.

Xanta soomaalida  

Boggan Flashbacka ayaa qoomiyahada sida ba'an loogu xanto waxaa ka mid ah soomaalida. Xanta iyo cunsuriyadda soomaalida boggan loogu geysto ayaa waxaa ka mid ah su'aal ay is weydiiyaan wax ku qorayaasha boggas oo ay ka mid tahay "maxay la uraan soomaalida"? Iyo soomaalida maxay afka u kalo yahaan markasta? Iyo arrimo kaloo badan.

Halkaan ka aqriso xanta ay flashbacka ee soomaalida iyada oo ah af iswiidhisha.

https://www.flashback.org/sok/somalier

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".