Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qiimayn ku saabsan habka loola dhaqmo qofka danbi looga shakiyo

La daabacay onsdag 11 februari 2015 kl 10.37
Polis och åklagare. Foto: Jonas Neuman/Sveriges Radio
Qiimayn lagu samaynayo habka loola dhaqmo qofka danbi looga shakiyo. Foto: Jonas Neuman/Sveriges Radio

Iswiidhan ayaa muddo dheer lagu dhalliilayay sida ay ula dhaqanto dadka danbiga looga shakisan yahay.

 Waxyaabaha lagu dhalliilayay waxa ka mid ah in qofka danbiga looga shakiyo la hayay muddo dheer iyada oo aan maxkamadi xukumin iyo waliba in qofka lagu haynayo meel gadoon ah oo aanu qofku wax xidhiidh ah la yeelan karin ehellkiisa ha noqoto in la booqdo ama in telefoon lagula xidhiidho'e. Xeer ilaaliyaha qaranka Anders Perklev ayaa sheegay in la samayn doono shuruuc cusub oo wax ka beddelaysa arrrimahaas. Xeer ilaaliyuhu waxa uu sheegay in laga bilaabo kowda bisha abril la samayn doono qiimayn ku saabsan habka loola dhaqmayo qofka danbi looga shakiyo. Anders Perklev waxa uu sheegay in ay ujeeddadu tahay sidii loo yarayn lahaa muddada qofka danbiga looga shakiyay la hayo iyada oo aan maxkamad la soo taagin iyo waliba sidii loo wanaajin lahaa halka lagu haynayo iyo sida loola dhaqmayo.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".