Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Madaxii warshadda SCA oo shaqadii iska casilay

La daabacay onsdag 11 februari 2015 kl 11.05
Jan Johansson resigned Tuesday as CEO of SCA. Photo: Henrik Montgomery / TT.
Madaxii warshadda SCA oo shaqadii iska casilay. Photo: Henrik Montgomery / TT.

Jan Johansson oo ahaa masuulkii ugu sarreeyay warshadda warqadaha samaysa ee SCA ( skogs- och pappersbolaget), ayaa shalay la baahiyay in uu shaqadii ka tegay.

 Masuulkani ayaa noqonaya masuulkii labaad ee shaqada warshaddaasi ka taga kadib markii jarriiradda Svensa Dagbladet daaha ka fayday in diyaaradda ay warshaddu leedahay loo adeegsaday hab gaar ah oo shaqada ka baxsan. Dhawr toddobaad ka hor waxa isna sabab arrintan la xidhiidha shaqada looga eryay Sverker Martin-Löf oo ahaa guddoomiyihii guddida warshadda.

Jan Johansson ayaa lagu eedeeyay in uu diyaarad warshaddu leedahay u adeegsaday hab aan sharci ahayn. Waxaana lagu eedeeyay in uu xaaskiisa u kaxaystay dhawr safar oo ganacsi la xidhiidha iyo waliba in uu qof kale oo ehelkiisa ah u kaxaystay in uu kala qaybgalo tartankii koobka adduunka ee ka dhacay Baraasiil.

Dhanka kale waxa isna la sheegayaa in uu shaqada ka fadhiistay oo uu hawlgab noqday Mats Berencreutz oo ahaa ku-xigeenkii guddida midowga warshadda.

Xigasho: SVD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".