Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hannaanka wax ka beddelka shahaadada dugsiga hoose

La daabacay onsdag 11 februari 2015 kl 15.37
JESSICA GOW / TT
Hannaanka wax ka beddelka shahaadada dugsiga hoosePhoto: JESSICA GOW / TT.Jan Björklund, Gustav Fridolin and Lena Hallengren at a press conference Wendnesday.

Dawladda iyo xisbiyada midigta ayaa isku raacay su'aashii ku saabsanayd shaahadada dugsiga hoose.

 Xisbiyada midigta ayaa ololihii doorashada ku qalay arrintii ku saabsanayd in wax laga beddelo hannaanka shaahadada dugsiga hoose, taasi oo lagu tijaabinayo 100 dugsi oo dalka ku yaalla. Wasiirkii hore ee waxbarashada Jan Björklund iyo wasiirka waxbarashada ee hadda Gustav Fridolin ayaa heshiiskii hore uga gaadhay arrintan, waxaanu wasiirka waxbarashada ee haddu heshiiskaasi ku micneeyay in uu ahaa mid mihiim ah ahaa in siyaasadda dalku noqoto mid deggan.

Qorshahan ayaa bilaabmi doona bilowga sannadka 2017, waxaana hawshan fulin doonta haayadda waxbarashada (Skolverket). Hannaankan cusub ayaa sidoo kale qiimayn lagu samayn doonaa marka la gaadho sannadka 2020.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".