Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dawladda oo ku kala aragti duwan siyaasadda isdhexgalka

La daabacay torsdag 12 februari 2015 kl 10.01
Asylsökande protesterar mot flytt från Halmstad. Foto: Muhamed Ferhatovic/Sveriges Radio
Dawladda oo ku kala aragti duwan siyaasadda isdhexgalka. Foto: Muhamed Ferhatovic/Sveriges Radio

Dawladda Iswiidhan oo ku kala aragti duwan siyaasadda isdhexgalka. Xisbiga Socialdemokraterna ayaa doonaya in uu wax ka beddelo sharciga deegaanka.

Kaasi oo in qofka soogalootiga ahi aanu dooran karin meesha uu degayo iyo in maamullada degmooyinka aan qaxoontiga soo dhawayn lagu qasbo in ay qaabilaan dadka soogalootiga ah. Arrintan ayaa wax ka soo horjeestay xisbiga Miljöpartiet oo qayb ka ah dawladda hadda talada haysa. Boel Godner oo ah guddoomiyaha maamulka hoggaanka bulshada ee degmada Södertälje ayaa aaminsan in sharciga cusub wax badan tari doono dadka qaxoontiga ah.

- Sharciga maanta jira ee qofka u fasaxaya halka uu degayaa waa mid qofka u horseedaya in uu la qabsan waayo bulshada iyo in uu wajaho shaqo la'aan ba'an.Tusaaale ahaan haddii uu qofku maanta doorto in uu soo deggo Södertälje waxa qofka ku adkaanaysa in uu afka barto, in uu bulshada dhexgalo, in uu shaqo helo iyo waliba carruurtiisa oo ku liidata waxbarashada dugsiyada.

Taasi waxa ay ahayd Boel Godner oo ah guddoomiyaha maamulka hoggaanka bulshada ee degmada Södertälje.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".