Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Heerka ribada oo hoos loo dhigey

La daabacay torsdag 12 februari 2015 kl 10.27
Photo: Riksbanken
Sawirle: Riksbanken

Bangiga qaranka ee dalka Iswiidhen ayaa mar kale hoos u dhigay canshuurta ribada ee lagu hago dhaqaalaha dalka isagoona gaarsiiyay maynus 0,1 boqolkiiba. Halka dhanka kale uu hoggaanka bangigu sheegay inuu diyaar u yahay sidii uu ku iib-san lahaa waraaqaha maaliyadda ee dawladdu dammaanad-qaado, kuwaasina oo lagu kharash-gareeyn doono miisaaniyad gaarsii-san 10 bilyan oo koron.

Tallaabada uu bangiga qaranku ku tallaabsaday ayaa ugu wacan sidii looga hor-tegi lahaa sicir-bararka hooseeya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed bangiga ka soo baxday.

Bishii oktoobar ee sannadkii tagay 2014 ayay ahayd kolkii uu bangiga qaranku hoos u dhigay nidaamka hagidda ribada, iyadoona la gaarsiiyey eber. Halka iminka hoos looga sii dhigay.

Isha/TT

                                                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".