Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Jaad qalalan oo sharcidarro ah oo Iswiidhan lagu qabtay

La daabacay torsdag 12 februari 2015 kl 13.00
Polis på plats utanför skolan på Lindholmen. Foto: Kerstin Kaminski/Sveriges Radio
Jaad qalalan oo sharcidarro ah oo Iswiidhan lagu qabtay. Foto: Kerstin Kaminski/Sveriges Radio

Waxa garoonada diyaaradaha Iswiidhan lagu qabtay qaad badan oo si sharci darro ah loo soo galinayay dalka.

Qaadkan la qabtay baa ah mid la soo qalajiyay kaasi oo ka duwan qaadkii hore dalka loo keeni jiray. Sida uu muujinayo tirakoob uu sameeyay tiifiiga SVT sannadkii 2013 waxa Iswiidhan si sharcidarro ah loo soo galiyay 731 kiiloo oo ah qaad qoyan oo caadi ah, halka sannadkii 2014 ay taasi wax badani iska beddeleen. Waaxda cashuuradaha xuduudaha ayaa sheegtay in sannadkii 2014 dalka la soo galiyay 751 kiilo oo qaad la soo engajiyay ah, taasi oo ka dhigan in isu gayn qaadka laga soo dejiyay garoonada Bromma iyo Arlanda uu dhan yahay 2.3 tan oo qaad ah.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".