Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Midow Yurub oo ka shiraya sidii looga hortagi lahaa argagixisada

La daabacay torsdag 12 februari 2015 kl 17.00
Utanför Europaparlamentet syns flaggor från medlemsländerna. Foto: Linnea Johansson/Sveriges Radio.
Magaalada Baraasalis.. Foto: Linnea Johansson/Sveriges Radio.

Maanta waxa magaalada Baraasalis ku kulmaya madaxda waddamada midowga Yurub. Kulankan ayaa ah mid lagaga hadlayo sidii looga hortagi lahaa argagixisada.

Ajandaha u weyn ee shirku waa sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka garoomada diyaaradaha iyo waliba xuduudaha dalalka midowga Yurub u dhexeeya.

Waxa sidoo kale shirkan lagaga hadli doonaa mashruuc ay shirkad Iswiidhish ahi qabanayso oo ah sidii dadka weerarada argagixisada gaysanaya looga ilaalin lahaa in ay walxaha qarxa ku samaystaan waddamada Yurub dhexdooda.

Raysalwasaaraha Iswiidhan Stefan Löfven ayaa sheegay in arrintani tahay sidii loo sugi lahaa ammaanka dadka muwaadiniinta ah. Waxaanu intaas ku daray in aanay qorshayaashani culays ku keeni doonin xorriyadda iyo sharafta qofka muwaadinka ah.

Xigasho: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".