Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Laba wiil oo wajiga ka toogtay haweenay tiigare ah

La daabacay torsdag 12 februari 2015 kl 17.03
Tiggare i Skellefteå
Laba wiil oo wajiga ka toogtay haweenay ku Tiggare ah. Foto Magnus Bergner/SR

Laba wiil oo da' yar ayaa xabbad kuwa samayska ah wajiga kaga toogtay haweenay ku jirta xero ku taalla deegaanka Skara oo ay degan yihiin dadka Tiggare loo yaqaano ee ka yimaadda waddanka Roomaaniya.

Labadan wiil ayaa lagu xukumay 70 saacadood oo ganaax ah (ungdomstjänst), ganaaxaasi oo ah mid ay arrimaha bulshada ka sheekaynayaan iyada oo aan lacag la siinayn. Ganaaxaasi ayaa u dhigma 10 saacadood oo ah ganaaxa loo yaqaano (samhällstjänst) Wiilka gabadha wajiga ka toogtay ayay da'diisu ahayd 17 jir. Sida ay maxkamaddu sheegtay haddii uu wiilkaasi ka waynaan lahaa da'daas waxa lagu xukumi lahaa 5 ilaa 6 bilood oo xadhig ah. Labadan wiil ayaa lagu dacweeyay in ay hub si qaldan u isticmaaleen.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".