Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Löfven oo ka faallooday heshiiskii caqabadda Ukraa'iin ka aloosan

La daabacay fredag 13 februari 2015 kl 09.48
Merkel och Hollande ska redogöra avtalet för Stefan Löfven och EU:s övriga regeringschefer. Foto TT/SR
Merkel iyo Hollande ayaa qeexi doona heshiiska lagu gaarey Miniski. Sawirle TT/SR

Galab-nimadii arbacada oo uu magaalada Brugsel ka bilowday kulanka hoggaamiyeyaasha dawladaha ku midoobey ururka Midowga Yurub - EU, halkaasina oo waxyaabaha looga wada xaajoon doono ey ka mid yihiin xaaladda cakiran ee Ukraa'iina iyo Ruushka.

Go'aanka hoggaamiyeyaasha EU wuxuu salka ku hayn doonaa war-bixinta ey ka helaan hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel iyo labada madax-weyne ee Ukraa'iin Petro Porosjenko iyo Faransiiska Francois Hollande, kuwaasina oo qayb ka ahaa heshiiskii lagu gaarey magaalada Miniski ee caasimadda dalka Beela-ruushka.

Madaxa dawladda Iswiidhen Stefan Löfven oo ka faallooday amuurtaa ayaa sheegay mar uu wareeysi siiyay laanta wararka idaacadda ee Ekot sidan:
- Wey yar yihiin dad sida Angela Merkel uga faaloon kara wada-haddaaladii. Waa fal lagu qiimeeyo. Heshiiska la gaaray ayaan akhriyay, waxaase iiga muuqday iney jiraan qodobbo u baahan in la caddeeyo. Waana sababta aannu ugu baahannahey inaan dhageeysanno madaxdii kulankaa ka qayb-gashey iyo sida ay u arkaan heshiiskaa, sida uu sheegay Stefan Löfven.

Isha/Ekot

                                                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".