Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dareenka Sweden ee falkii argaggixiso ee Denmark

La daabacay måndag 16 februari 2015 kl 11.00
Statsminister Stefan Löfven intervjuas av en journalist. Foto: My Rohwedder/Sveriges Radio.
1 av 2
Konstnären Lars Vilks. Foto: Fredrik Sandberg/Scanpix.
2 av 2
Konstnären Lars Vilks. Foto: Fredrik Sandberg/Scanpix.

Sweden ayaa heegan iyo diyaargarow ku jirta ka dib falkii argagixo ee ka dhacay waddanka Denmark. Falkaas oo nin hubaysani uu weerar farshaxmiiste reer Sweden ah, oo markaa marti ku ahaa kulan looga hadlayay dimuqraadiyada iyo xoriyatul qawlka oo ka dhacaya magaalada Copenhagen.

Nin lagu magacaabo  Omar Abdel Hamid El-Hussein oo booliska waddankaas Denmark ay toogasho ku dileen ayaa la sheegay in uu weeraray ku qaaday goob uu ku sugnaa farshaxamiistaha reer Sweden ee Lars Vilks, sidoo kale waxaa ninkan weerarka soo qaaday toogtay hal qof oo sugnaa goob cibaado oo ay leeyihiin qoomiyada Yuhuudu. Ninkan oo askar boolis ah isla goobtaas dhaawac ugu geeystay ayaa boolisku markii dambe toogasho ku dileen.

Raysal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa isagu aaminsan in Sweden ay k diyaargarow sareeya kaga jirto oo falalka argaggixasada, balse hadda arrinkaa dib loo egaayo.

-Waxaynu xoojinaynaa ammaanka goobaha cibaadada ee Yuhuuda, iskuulada iyo sidoo kale masaajidada, waa in laga fekeraa sidii loo horumarin lahaa difaaca ammaanka goobahaas. Sidaa ayuu yidhi Raysal wasaare Löfven.

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".