Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ninka Fadeexada badan ee Erik Almqvist oo xukuma warbaahinta SD

La daabacay måndag 16 februari 2015 kl 12.30
Erik Almqvist har setts som en tänkbar efterträdare till Jimmie Åkesson. Foto: Fredrik Persson/Scanpix.
Erik Almqvist har setts som en tänkbar efterträdare till Jimmie Åkesson. Foto: Fredrik Persson/Scanpix.

Siyaasi Erik Almqvist oo hore u ahaa xildhibaan xisbiga Sverigedemokraterna u fadhiya baarlamaanka waddanka Sweden, balse shaqadii xildhibaanimo iskaga tegay ka dib markii ay la soo deristay fadeexaad

Fadeexadaas oo ka raacday ka dib markii la shaaciyay muqaal,  isaga iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan xisbiga SD oo hadalo gefa ah ku leh gabadh, sidoo kalena biro ku weeraray nin majaajilayste oo magiciisa la yidhaahdo Ismail Soran. Fadeexada oo loogu magac daray ”Fadeexadii Biraha”.

Erik Almqvist ayaa hadda la sheegay in uu gacanta ku hayo bogga internetka ee Samtiden oo ah mid u adeega xisbiga Sverigedemokraterna. Sidaa u qoraayo wargeyska Dagens Nyheter.

Umuurtan waxaa xaqiijiyay Jan Sjunnesson oo isagu dhawaan noqday madaxa rasmiga ah ee boggan, isaga oo sheegay in Erik Almqvist uu haystay macluumaad uu ku isticmaalo bogga Samtiden, sidoo kalena uu waxaa uu rabo ku soo daabici karayay.

Erik Almqvist ayaa iskaga tegay Sweden ka dib ”Fadeexadihii Biraha” isaga oo u guuray waddanka Hungary.

Isha: DN/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".