Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Säpo oo miisaaniyadd badan u isticmaasha la dagaalanka argaggixisada

La daabacay tisdag 17 februari 2015 kl 12.27
Фото: Wrote/flickr.com
Фото: Wrote/flickr.com

Ciidamada nabadgelyada ayaa miisaaniyadooda ugu badan u isticmaalaya in ay gaashaantaan argaggixisada. Geesta kale waxaa korodhay dadyoowga gabbaadka u ah ciidamada sirdoonka. Sidaa waxaa daaha ka rogay warbixin uu sameeyay wargeyska DN

Sannadkii 2013 ayaa ciidamada nabadsugida Sweden ee magacooda loo soo gaabiyo SÄPO ay boqolkiiba 44 ka mid ah miisaaniyadooda geliyeen difaaca shakhsiyaad gaar ah, halka boqolkiiba 28 ay geliyeen ka hortaga argaggixisada. Shan sanno ka hor ayaa xisaabtu intaas ka duwanayd oo SÄPO boqolkiiba 36 ay gelin jirtay difaaca shakhsiyaadka, halka boqolkiiba 25 ay geli jireen ka hortagga argaggixisada.

Ciidamada nabadsugida Sweden ayaa sannadkii hore isticmaalay lacag dhan 1,1 bilyan oo koroon, sida laga soo xiganayo tirakoob hordhac ah oo ay shaacisay Wakaalada dhaqaaluhu. Middan ayaa korodhay boqolkiiba 3, haddii la barbar dhigo sida kharashku ahaa sannadkii 2013.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".