Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Daraasad xaqiijisAy in haweenka soomaalida D-vitamiinka ku yaryahay

La daabacay tisdag 17 februari 2015 kl 12.37
Monica Löfvander: waa in rugaha hooyooyinka isha ku hayaan arrinkan
(5:53 min)
En solig bild från skärgårdsstaden i Småland.
Boqolkii 70-80 D-vitanmiinka qoraxda ayaa laga helaa. Foto: Nina Nilsson

Daraasad cusub ayaa muujinayasa in boqolkii 90 dumarka soomaalida ah ee uurka leh ay aad ugu yartahay jirkooda maadada D-vitimiink. Waxaa daraasadda lagu ogaaday in haweenka soomaalida ah ay murqahooda ka awood yaryahiin marka loo barbarbdhigo durmarka kale ee dalka Sweden.

Daraasadan waxaa sameeyey macadka Centrum för klinisk Forskning ee ku yaala magaalada Västrås. Monica Löfvander waa bare jaamacadeed oo masuulna ka aheyd daraasadan.

- Waxaan ku ogaanay daraasaddda in haweenka soomaaliyeed ee uurka leh ama dhawaan ilmaha dhalay ee ka qaybgala daraasaddan uu heerka D-vitamin-ka jirkood uu aad u hooseeyo amaba aan xataa la cabiri karin, ayey tiri Monica Löfvander.

Daraasadan oo ay iska kaashadeen Landstinga Dalarna iyo jaamcadda Uppsala ayaa haween uur leh oo gaaraya 123 oo 52 ka mid ah ahaayeen dumar soomali ah ayaa baaritaan lagu sameeyey heerka D-vitamin ee jirkooda ku jira iyo weliba awooda murqaha jirkooda. Haweenka soomaalida ah ee uurka leh ayey dhib ku noqotay in kadaloobsi u fariistaan ama ay hal lug ku istaagaan, halka dumarka kale ee uurka leh aysan middas dhib ku noqon. Daraasadda ayaa sidoo kale muujisay markay timaado awoodooda gacmaha ay haweenka soomaalida ah ee uurka leh ka awood yaryahiin kuwo dhigooda ah ee dalkan Sweden ka soo jeeda. Daraasadda ayaa u aaneyneysa awood xumidaas maadada D-vitamin-ka oo dumarka soomaalida ah ku yar.

Qorax la'aan

Monica Löfvander oo horey iyada horey ugu howlgali jirtay dhaqtarad xaafadda soomaalida ku badan tahay ee Rinkeby ayaa qabta in D-vitamin yarada dumarka soomaalida ah ay ugu wacan tahay qorax la’aan.

- D-vitamin-ka ugu badan jirka waxuu ka helaa qoraxda, haddii aysan qorax fallaaraheeda aysan jirka gaarin, markas jirka ma helayo D-vitamin.

Waxayse raacisay in cuntada qaarkeed laga helo D-vitamin sida caanaha oo kale balse wax kastoo afka laga qaato aysan ku filnay in ay haqab tirto D-vitaminka uu jirka u baahan yahay.

Boqolkii 70-80 D-vitamin-ka jirkeena u baahan yahay maalin kasta waxaa laga helaa fallaaraha qoraxda halka inta kale laga helo cuntada D-vatamin-ka ku badanyahay iyo weliba kaniinyada D-vataminka leh.

Dalkan Sweden xilliga kulaylaha ayaa ah xilliga la keysado D-vatamin-ka aynu isticmaalayno sannadk xilliyadiisa qabow ee qorax la’aantu jirto. Qofba qofka uu ka midab badan yahay ama ka madwoyahay way kaga dhib badan tahay in uu keydsado D-vitamin-ka laga helo fallaaraha qoraxda. Qofka waxuu u baahan yahay in uu saacado qoraxaysto maalin kasta si oo uu xilliga qaboobaha u heysto D-vitaminka lagama maarmaanka ah ee jirka u baahan yahay. Haweenka soomaalida ah ayaa badankood xilliga kulaylaha guriyaha ku jira ama marka banaanada joogaan ku labisan dhar waaweyn oo adag oo aysan fallaaraaha qorax ka dusi karin.

Kuma filna in qoraxda kaa qabato gacmaha iyo wajiga balse waxaad u baahan tahay in aad qoraxda u dhigtid kilkilaha ama gacmaha hoostooda, ayey tiri Monica Löfvander. Iyada oo raacisay qofka waxuu ku qoraxaysan karaa balkoonka gurigiisa, haddii uusan dooneyn in uu banaanada ku qoraxheysto.

Haddii hooyada uurka leh ay ku yartahay maadada D-vitanmiin-ka waxay saameyn ku yeelanaysaa ilmaha uurka ku jira oo waxaa ku yaraanaya D-vitamiin-ka. Ilmahana waxay noqonayaa kuwo awood yar maadaama D-vitamiin-ka muhim u tahay qaadba murqaha u shaqeeyaan, ayey tiri Monica Löfvander.

Sameynta Daraasadan

In la sameeyo daarasadan oo laysku barbardhigo D-vitamiin-ka dumarka soomaalida ah ee uurka leh iyo kuwa kale waxaa u sabab ah ka dib markii la ogaaday in haweenka soomaalida afar jirbaar qatar ugu jiraan in ay dhalaan caruur ku dhalata autism adag. Inkastoo daraasadda ka jawaabin in caruurta badan ee haweenak soomaalida ah dhalaan ee ku dhalata autism ay raad ku leedahay D-vitamiin la’aant heysta dumarka soomaalida, hadana waxay daraasadda xaqiijeysay in dumarka soomaalida heer D-vitamiin-ka ku jiraa uu aad u yaryahay.

"Waa in rugta xanaanada hooyooyinka isha u hayaa arrintaan", ayey ku talisay Monica Löfvander, "waayo haweenka waxay u baahan yahiin awoodooda si ay u xanaanaystaan ilmahooda iyo qoyskooda".

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".