Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Haween dhakhaatiiri faro xumaysay oo magdhow la siinayo

La daabacay tisdag 17 februari 2015 kl 13.30
En man till vänster som håller sin hand på en sittande kvinnas axel.
Bilden är arrangerad. Foto: Mattias Ahlm/Sveriges Radio.

Laba haween ah oo u gudbiyay dacwad ka dhan ah dhakhaatiir xanaanaysa dadka maskaxda wax ka qaba oo ka hawlgala goob caafimaad oo ku taal Upplands Väsby, goobtan oo ah goob lagu dabiibo cudurada cilmi nafsiga.

Haweenka ayaa hadda la siinaya magdhow, ka dib shan sanno markii falkan lagula kacay. Laba dhakhtar oo ka hawlgala goobtaas ayaa la ogaaday in ay faroxumeeyeen dad badan oo bukaan. Labda dhakhtar ayaa hadda ka tegay shaqadii ay ka hayeen goobtaas caafimaad, balse midna laguma xukumin in uu geystay wax faroxumayn ah. Hey’adda qaabilsan caymiska bukaanka oo hore dhegaha uga furaysatay in ay dadkan magdhow siiso ayaa hadda go’aankeeda wax ka bedeshay, dumarkan mid ka mid ah ahna siin doonta magdhow.

Gabadha la siinaayo magdhowgan, oo aan rabin in la sheego magaceeda ayaa sheegtay in ay soo dhawaynayso go’aankan, ayna ku faraxsan tahay in la aqoonsaday dembigii laga galay.  

Isha: Ekot
samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".