Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dad looga shakisan yahay in ay maalgeliyeen IS oo gacanta lagu dhigay

La daabacay tisdag 17 februari 2015 kl 16.37
Isis i Irak. Foto: AP Photo / militant website, File / TT.
Isis i Irak. Foto: AP Photo / militant website, File / TT.

Hey’adda dhaqaalaha ayaa hawlgal ay samaysay gacanta ku dhigtay dad looga shakisan yahay in maalgeliyaan ururka argaggixisada ah ee IS ama Daacish ee ka dagaalama waddamada Suuriya iyo Ciraaq

Sidaa waxaa qoraya wargeyska Dagens Nyheter. Arrintan ayaa ah mid balaadhan oo aad loo qorsheeyay waxayna dabada ku haysaa dembi dhaqaale ba’an. Geesta kale sida uu ku waramayo Talefeeshinka Qaranka Sweden qabqabshadan ayaa ka dhacday degmooyin ka mid ah magaalada Stockholm.

Xeer ilaalinta ayaa ka shakisan in shaksiyaadkani macaash ay heleen u direen waddanka Suuriya, gaar ahaan ururka IS.

Si kastaba ha ahaate Hey’adda qaabilsan dabagalka dhaqaalaha ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho arrinkan.

Isha: DN/SVT


samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".