Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Sweden iyo Finland oo arrimaha gaashaandhiga iska kaashanaya

La daabacay onsdag 18 februari 2015 kl 09.50
Foto: Johan Brolin/Försvarsmakten
Sweden iyo Finland oo arrimaha gaashaandhiga iska kaashanaya

Waddamada Sweden iyo Finland ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan arrimaha gaashaandhiga. Sidaasi waxa lagu sheegay warbixin ay si wadajir ah u soo saareen wasaaradaha gaashaandhiga ee labada dal.

Waxa ay labada waddan ku heshiiyeen sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi buuxa oo dhanka gaashaandhiga ah. Kaasi oo loo bixiyay (Swedish Finnish Naval Task Force), waxaana la rajaynayaa in uu iskaashigani si buuxda u shaqo gali doono sannadka 2023, iyada oo labada waddanba si buuxda isku dhaafsanayaan wixii xogo ah.

Dhanka kale labada dal waxa ay ku heshiiyeen in ay yeeshaan iskaashi dhanka ciidamada ah, kaasi oo suurogalin doona in labada dal ka wada shaqeeyaan arrimaha ammaanka.

Heshiiskan labada waddan dhexmaray ayaa sidoo kale dhigaya sidii ay labada waddan isaga kaashan lahaayeen hawlaha la xidhiidha hubka diyaaradaha. Kaasi oo micnihiisu yahay in ay labada waddan gacan iska siin doonaan hawlgalada ay sida wadajirka ah uga fulinayaan garoonada diyaaradaha labada dal iyo waliba in ay wixii hawlfududayn iyo xogba ah wadaagaan. Wasiirka gaashaandhiga dalka Sweden Peter Hultqvist oo heshiiskan ka hadlayaa waxa uu yidhi:

- Heshiiskani waa tallaabo cusub oo micno weyn ugu fadhida labada dal ee Sweden iyo Finland.

Kaasi waxa uu ahaa Peter Hultqvist oo ah wasiirka gaashaandhiga dalka Sweden oo ka warramayay heshiiskii labada dal ee Sweden iyo Finland dhexmaray.

Xigasho: SVT

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".