Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xabsiyada Iswiidhan oo ka hortagaya afkaarta xagjirnimada ah

La daabacay onsdag 18 februari 2015 kl 14.00
Staket utanför fängelse. Foto: Fredrik Sandberg/TT.
Xabsiyada Iswiidhan oo ka hortagaya afkaarta xagjirnimada ah. Foto: Fredrik Sandberg/TT.

Sida uu sheegay Per Westberg oo ah madaxa ammaanka ee haayadda asluubta Iswiidhan , xabsiyada Iswiidhan ayaa bilaabay in ay maxaabiiska qolol gaar ah ku kala xidhaan, si ay uga hortagaan afkaarta xagjirnimada ah ee ku dhex faafi karta maxaabiista dhexdeeda.

Per Westberg waxa uu sheegay in ay fiiro gaar ah u leeyhiin habdhaqanka maxaabiista, sidoo kalena ay wadashaqayn fiican la leeyihiin booliiska. Dhanka kale waxa uu Per Westberg sheegay in ay suurogal tahay in ay maxaabiistu fikir ahaan saamayn isku yeeshaan, taasina ay keento in qofka maxbuuska ahi xagjir noqdo inta uu jeelka ku jiro. Si taasi looga hortago waxa uu Per sheegay in ay dabagal ku sameeyaan buugaagta iyo jaraa'idka ay maxaabiistu akhrido iyo waliba mareegaha ( websites) ay wax ka akhristaan.

Xigasho: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".