Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Anders Ygeman oo ka jawaabay dhaleecayn boolisku soo jeediyay

La daabacay onsdag 18 februari 2015 kl 11.54
Sweden oo aad ugu liidata sugida amaanka garoomada diyaaradaha
(3:43 min)
Ygeman
Foto: TT

Wasiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman oo ka jawaabay dhaleecayn loo jeediyay Sweden, Isaga oo middaas dusha uga tuuray booliska.

-Sweden way dhaqangelisay tilmaantan, si sharcigu joogto u noqdo. Ka dib booliska ayaa doortay in aanay si toos u fulinin arrinkan, ayuu leeyahay Ygeman wasiirka arrimaha gudaha Sweden.

Anders Ygeman oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu leeyahay aniga iyo xukuumada aan tirsanahay waxaanu rabnaa in sharcigan uu si buuxda u dhaqan galo.

Wasiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman ayaa qaba in sharcigu jiro balse ay booliska u taal in ay macluumaadka rakaabka si toos ah u ururiyaan.

– Waxaan xaqiijin karaa in aniga iyo xukuumada Sweden aanu ku rajo weynahay in si toos ah loola macaamilo macluumaadka tigidhada, si loo ogaado kuwa raba in ay waddanka dibadiisa ka soo dagaalamaan iyo kuwa soo noqonaya oo khatar ku ah Sweden iyo xiisaheeda.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".