Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Carruurta kalinimada ku timaadda oo ka baxsata laanta socdaalka

La daabacay torsdag 19 februari 2015 kl 11.00
ensamkommande barn
Carruurta kalinimada ku timaadda oo ka baxsata laanta socdaalkaFoto: Drago Prulvic och Fredrik Sandberg

Waxa sii kordhaysa tirada carruurta kalinimada Sweden ku timaadda ee la waayayo. Sannadkan oo qudha waxa la waayay 22 carruur dalkan timid iyada oo aanu waalidkoodu la socon.

Guddida xuquuqda carruurta ee qaramada midoobay ayaa arrintan ku dhaliilay Sweden. Haayadda xuquuqda carruurta ee Sweden ayaa isugu yeedhay dhammaan haayadaha dawladda ee arrintan ku shaqada leh, si layskula eego sidii wax looga qaban lahaa arrintan.

Tan iyo sannadkii 2010 waxa laanta socdaalka ee Iswiidhan ka baxsaday 1500 oo carruurta waddanka kelinimo ku timid ah. 179 ka mid ah carruurtaasi ayaa dib ugu soo noqotay laanta socdaalka, halka intii kale la waayay. Fredrik Malmberg oo ah wakiilka Haayadda xuquuqda carruurta ee Sweden ayaa welwel badan ka qaba arrintan.

- Sweden waxa ay arrintan kala kulantay dhaliil badan. Guddida xuquuqda carruurta ee qaramada midoobay ayaa si weyn Sweden ugu dhaliishay sida ay arrintani u dhayalsatay. Guddidu waxa ay Sweden ku canaanatay sida aanay baadhitaan fiican uga samayn arrintan. Waa arrin welwelkeeda leh, waayo waxa laga yaabaa in carruurtani si qaldan loo isticmaalo.

Kaasi waxa uu ahaa Fredrik Malmberg oo ah wakiilka Haayadda xuquuqda carruurta ee Sweden.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".