Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Skatteverket oo diiwaangaliyay gabadh 14 jir ah oo la guursaday

La daabacay torsdag 19 februari 2015 kl 13.50
Dansande ungdomar. Nobelfest.Skola. Kävlinge.Foto: Anton Kalm/Sveriges Radio
Skatteverket oo diiwaangaliyay gabadh 14 jir ah oo la guursaday.Foto: Anton Kalm/Sveriges Radio

Sida ay maanta baahisay idaacadda Ekot, haayadda Skatteverket ayaa sannadkii hore diiwaangalisay guur dhexmaray wiil 21 jir ah iyo gabadh da' yar oo 14 jir ah.

Lammaanahan arrintooda aadka loo hadal hayo ayaa Sweden yimid iyaga oo is qaba, waxaana arrintooda ka biyo diiday haayadda arrimaha bulshada ee qaabilsan degmadii ay ku noolaayeen. Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa se marar badan soo noqnoqda. Sannadkii 2013 waxa la ogaaday saddex gabdhood oo da'doodu kala ahayd 15,16 iyo 17, kuwaasi oo ay u qornayd in la qabo. Sharciga dalka ayaan ogalayn in la guursado inta uu qofku ka yar yahay 18 jir.

Beatrice Ask oo ah guddoomiyaha guddida caddaaladda ee golaha wakiilada, ahaydna wasiirkii hore ee caddaaladda Sweden, ayaa arrintan ku dhaliishay haayada sharciga Sweden:

- Marka hore ma rabo in aan arrin gaar ah ka hadlo. Laakiinse arrintani waa mid mudan in hoos loo eego. Waa wax iska cad, oo marka sharciga la eego waynu wada garan karnaa in aynaan aqbalayn guurka carruurta.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".