Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Haayadda CSN oo dhimaysa lacagta ay ardaydu qaataan

La daabacay torsdag 19 februari 2015 kl 17.00
جریمه دیرکرد پرداخت وام تحصیلی بیشتر از دوبرابر شده است
Haayadda CSN oo dhimaysa lacagta ay ardaydu qaataan

1 bisha julaay ee sannadkan 2015 waxa ay haayadda CSN beddeli doontaa sharciyadeeda khuseeya ardayda wax ka barata dalka dibaddiisa.

Awal hore ardayda wax ka barata waddamada dibaddu waxa ay heli jireen lacag ay isaga bixiyaan kharashaadka kaga baxa noloshooda, hadda se waxa ay heli doonaan lacag u dhiganta lacagta ay helaan ardayda wax ku barata gudaha Sweden gudaheedu. Halkii ay awal lacagta heli jireen halkii termiinba mar, waxa imika laga dhigi doonaa in ay bishiiba guno yar helaan sida ardayda dalka gudihiisa wax ku barata. Taasi oo ka dhigan in ay ardayda dibadda wax ku barata ay la soo dersi doonto xaalad adag oo xagga dhaqaalaha ahi. Gaar ahaan ardayda dalka dibaddiisa ka soo barata aqoonta macallinimada ayaa la kulmi doona xaalad cusub. Maaddaama lacagta kaga baxda teermiinkiiba ay u dhawdahay 100 000 kr.

Xigasho: P3 Nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".